Kadib markii aan daabacnay magacyada murashaxiinta madaxweynaha ee raba inay xilka kala wareegaan MW Farmajo Febraayo 2021 ayaa waxaa na soo gaaray magacyo kale oo ku biiray murashixiintaas.
Annagu ma xulanno murashaxa ee marka aan ka helo sasaan muujineysa inuu daneynayo inu rabo qabto xilka ugu mudan dalka ayaan ummadda u sheegnaa si ay ummadda u bilaabaan inay qiimeyn ku sameeyaan waxa uu soo qabtay ee lagu amaani karo, waxa uu soo dhimay ee lagu dhaliili karo iyo kadibna lagala soo baxo waxa lagu aamini karo si aan loogu kadsoomin sida Farmaajo loo khaldamay.
Haddaba liiska oo aan wali dhameystirmin ayaa inta aan ka ognayahay waxaa uu marayaa 26 Murashax, waana dhibaatada xanuunka leh ee ummaddeena haysata, waayo xilka madaxweynenimo ayaanba la fahmin inuu yahay xil adag oo u baahan aqoon iyo hibooyin gaar ah. Hoosta ka akhriso waxyaabaha qaar looga baahan yahay qofka noqonaya Madaxweyne adigoon oo caadifadeyn.
Maxamed Cabdullahi Farmajo
- Xasan Cali Kheyre
- Xasan sheekh Maxamuud.
- Sharif Sheekh Axmed
- Fowzia Xaaji Adan.
- Cabduqadir Cosoble Cali.
- Cabdiweli Cali Gaas.
- Cabdiweli sheekh Axmed
- Shariif Xasan Sheekh Aden.
- Jibriil Ibarhim Cabdulle.
- Cabdiraxman Cabdishakuur
- Maxamed Sh Cusman Jawaari
- Yusuf Garaad Cumar Axmed
- Cumar Cabdirashiid Cali
- Cabdikarim Xuseen Guuleed
- Cali Xaji Warsame
- Zakariye Xaaji Maxamud
- Dahir Maxamuud Geelle
- Maxamed Cumar Carte
- Maxamed Yasin
- Cabdiraxman Caynte
- Cabriaxman Faroole
- Cabdirax Maxamed cabdi
- Cabdi Maxamed Tabit,
- Cabdullahi Sh Xasan
- Cali Maxamed Gedi.
Dadka SOmaliyeed waxaan kula talineynaa inay kala gartaan shakhsiyaadka fahami kara hogaamin qaran muddo burbursanaa iyo kuwa laab lakaca iyo rabitaanka shaksiyadeed uu hagayo dal laguma aamini karo, waxaanad ogaataan in hadda ay dalka luntay 10 sano ku dhawaad oo shakhsiga talada hadda la wareegaa uu ka soo bilaabi doono meel aad uga hooseysa meeshii uu Farmajo ka bilaabay.
Haddaba caqliga ha shaqeeyo ee caadifadda yeysan shaqeyn, haddii dalka uu helo hogaamiye leh sifooyinkan waxaa la hubaa in laga bixi doono xaaladda adag:
- Aargti fog oo ku aadan mustaqbalka guud ee dalka iyo ogaal garasho u saaxiib ah, gaar ahaan sida loo wajahayo Juqoraafi siyaasadeedka Geeska Afrika si aan afka loogu dhicin waddamada Itoobiya, Erateriya iyo Kenya.
- Inuu rabo inuu taariikh iyo dhaxal ummadda uga tago sida Aden Cadde
- Inuu yahay qof la hadli kara ummada lehna awood gaarsiineed iyo mid qancin tan oo keeneysa in ummaddu ay hesho warbixnno joogta ah si loola shaqeeyo ama looga horyimaado.
- Qaadashada go’aamo adag sida haddii wax dhacaan inuu mas’uuliyadda dusha loo saaro cidda iska leh, lana casilo
- Xifad aqooneed oo uu Madaxweynaha Dalka ku maareeyo xaaladaha degdeg ah sida Fatahaadaha iyo waxyaabaha dhakhsa u faafa.
- Dabeecad iyo Daacadnimo.
- Caqli wanaagsan oo lagu xusho madaxda iyo la taliyayaasha hawsha la wada madaxweynaha.
- Awood iyo karti u leh inuu la shaqeeyo dhamaan hay’adaha distuuriga ah iyadoo mid waliba lagu ilaalinayo xeydaabkeeda shaqo, lana fagelineyn.
- Inuu yahay qof Allah uga cabsada xilka iyo masuuliyadda oo aan beenlow ahayn tan oo ah waxa asalka u ah qofka lagu aaminayo hogaaminta dalka.
Haddaba akhristow iska jooji dalkan aad martida ku tahay, dalka adigaa iska leh cidda la hogaaminayaa waaa adiga ee ka feker mustaqbalka guud ee ilmahaaga oo mar waliba ku xeran kan ilamaha kale ee dalka u soo koraya.