Kursiga ka bannaan Golaha shacabka ee doorashadiisa uu shaaciyay Guddiga in la qabanayo ayaa waxaa ka geeriyooday Ex Xildhibaan Sawaqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir kuxigeenkii hore Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku geeriyooday weerarkii bishii March ee sanadkan lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada.
War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in 23-ka bishan uu Guddiga bilaabayo qabashada araajida Kursigan, kuna egtahay 30-ka bishan November.
Guddiga ayaa ku wargeliyay Oday dhaqameedka Beesha Baajuun inuu soo gudbiyo Liiska 51 Ergo ee matalaya Beeshaas, iyagoo soo waafajaniya qoondada foomka diiwaan gelinta Ergada.
Halkan ka akhriso
