Kulan Muqdisho ku dhexmaray Gudoonka Golaha Shacabka iyo Madasha xisbiyada Qaran

0
8

Shirkii Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran u dhexeeyey ayaa goordhow soo gaba gaboobay.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray doorashada Soomaaliya ee lagu waddo in ay dalka ka bilaabato bilaha soo socda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynayeyaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida ay macquul ku tahay in doorasho qof iyo Cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo.

Labadda Madaxweyne ee hore ee dalka ayaa hadda kulan Muqdisho kula leh Gudoonka Golaha Aqalka Sare , waxana sidoo kale kulankaan looga hadlaya doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here