KULAN MUHIIM AH OO AY SOO QABAN QAABISEY WASAARADA ARIMAHA GUDAHA JL

0
37

Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qabatay kulan looga arinsanayo sidii xal waara looga gaari lahaa dadka barakacayaasha ee jooga Jubbaland islamarkaasina loogu heli lahaa guryo ay ku hoydaan,goobo Caafimaad iyo Waxbarasho iyo dhammaan adeegyada Bulshada.

Kulanka waxaa qayb ka ah Maamulka Gobolka iyo kan degmada Kismaayo,Rugta ganacsiga Jubbaland,guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Jubbaland,Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Waxaa xusad mudan in Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland ay dib u dajin ugu sameysay qoysas barakacayaal ah ah,kuwo dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo kuwa ka soo barakacay deegaanada ay gacanta ku hayaan Malleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo ay dhibaato kala kulmeen,waxeyna u hirgalisay adeegyada aas aasiga ah u ah aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here