Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada dalka kajira kuwaas oo halkaasi u tegay shir gaar ah oo ay yeelanayaan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada , Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kaas oo diyaar garoowgiisa haatan siwyen looga dareemayo halkaas.