Kooxdii loo isticmaalay xasuuqa shacabka Koonfur Galbeed oo banaanka la soo dhigay! Yaa xigi doona?

0
12

Farmaajo iyo Kheyre oo maalmihii u danbeeyay ku mashquulsanaa qoritaanka liiska xilidhibanada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay dibada u soo tuureen kooxdii loo iticmalaay burburinta iyo xasuuqa Shacabka reer Koonfur Galbeed. Dhaqanka Farmaajo iyo Kheyre ayaa ah in ay isticmaalaan shaqsiyaad ay ku tuhmayaan awood ka dibna ay dibada u soo tuuraan.

Arintaan mid la mida ayaa waxa ay ka sameeyeen Galmudug, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir. Mas’uuliyiin badan ayaa loo adeegsaday in lagu laayo shacabkooda markii laga dhameystayna dibada ayaa loo soo tuuray. Xasan Eelay, Abdulkadir shariif sheekhunaa  iyo Xasan Ugaas ayaa ahaa sadax nin oo hogaanka u hayay burburinta iyo dhibaataynta shacabka reer Koonfur Galbeed. Sadaxdaan iyo qaar kale ayaa laga saaray liiska Xildhibaanimada cusub madaama lagu gaaray hadafkii laga lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ay ragaani isaga tagayaan magalaada Baydahbo  maadaama ay iska waayey liiska Baarlamaanka labaad ee koofur Galbeed somaliya. Magaalada baydhabo waxaa Si Xowli ah uga socota soo xulista Baarlamaanka labaad ee koofur Galbeed ee Soomaaliya iyadoo liiska Baarlamaanka cusub laga wada saarey dhamaan dadkii u dhowaa madaxweynihii hore ee koofur Galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Adan ama qaarka lagu tuhmayo in ay msutaqbalka ka leeman karaan hogaanka Farmaajo.

Waaa la sheegyaaa in liiska Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya la soo Saari doono dhawaan kaddibna madaxweynaha Cadicasisi  lafta Gareen  ayaa magaalada Muqadishi tagi doono si ugu gudbiyo Farmaajo liiska la soo qoray.

Waxaa nasiib xumo ah in shacabka Reer Koonfur Galbeed wali looga taliyo magalaada Muqadishu. Qoritaanka Xildhibaanada cusub ee KG ayaa ku soo aadayso iyada oo dowlada Maraykanka ay shalay soo saartay qoraal lagu eedaynayo Farmaajo iyo Kheyre in ay ka danbeeyeen xasuuqa shacabka reer Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here