Kooxdii loo adeegsaday burburinta Jubbaland oo bilaabay kala carar, baryo, iyo iigeeeya Axmad Madoobe

0
10

Sida dhaqanka u ahayd Farmaajo iyo kooxda uu ku shaqaysto ee (Fahad iyo Kheyre) ayaa mudo ka badan sadax sano waxa ay isticmaalayeen kooxo lagu sheegay calool u shaqeeystayaal, kuwaas oo ka soo jeeda degaanka Jubbaland. Kooxdaan ayaa ahaa alaad loo adeegsaday in la isku diro shacabka Jubbaland, lagu burburiyo Dowlad Goboleedka Jubbland.

Farmaajo iy kooxda uu  shaqeeeysto (Fahad iyo Kheyre)  ayaa ugu danbeeyntii maanta waxa ay ku tageen darbigii u danbeeyay kaas oo ay ka gudbi waayeen, tani ayaana keentay in iyaga oo aan u aabayeelin kooxdii u adeegaysay ay aqoonsadeen hogaanka rasmiga ah ee Jubbaland, mudane Axmad Maxamed Islam (Axmad Madoobe)

Kooxdii loo adeegsaday burburinta Jubbaland ayaa mar-qura waaga ku baryay, iyaga oo aan marnaba rajo ka qabin in ay jago xildhibaanimo ah ay ka soo qaataan dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida ay ilo xogogaal ah u sheegeen Tebiyenews,  kooxdaan ayaa saacadihii u danbeeyay waxa ay qadka teleefanka ku raadinayeen Madaxweyne Axmad Madoobe iyo qofkastaa ee ka wasteen karta ama kala hadli karta iyaga oo sheeganaya  in  la qaladan  oo la galiyay dagaal beeleed.

Cabdiraxamaan Dheere oo isaga ahaa qofka aan markanaba u turin shacabka iyo hogaanka Jubbaland ayaa maanta iyo shalay ku mashquulsanaa sidii loola hadalsiin lahaa Axmad Madoobe. Cabdiraxmaan Dheere ayaa waxaa lacag u soo dhiibi jiray Fahad Yasin, lacagtaas ayaa sida la xaqiijiyay waxa looga abuuray deegaanka Jubbaland qal-qal siyaasadeed. Waxaa iyadana la xaqiijiyay in  uu isagu mas’uul ka ahaa qaraxii lala beegsaday hoteelo ku yaalo magaalada Kismaayo kaas oo ay ku dhinteen dad Soomaali ah.

Waxaa sidoo kale balaayo ku soo socotaa kooxaha hada ku dhaw-dhaw Farmaajo iyo Kheyre, kuwaas oo mar aan dhawayn iyaguna soo istaaga doono meel cidla ah iyaga oo loo haysto gabood ay ku galeen magaca dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here