Koonfur Galbeed oo magacaawday Guddoomiye ku-xigeeno Cusub (Wareegto)

0
2
Koonfur Galbeed oo magacaawday Guddoomiye ku-xigeeno Cusub (Wareegto)

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada Arrimaha bulshada Degmada Baydhabo iyo Maamulka iyo Maaliyadda degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay loogu magacaabay Aadan Cali Aadan (Carab), isagoo bedelaya Guddomiye ku-xigeenkii hore.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Cabdifitaax Cali Mursal (Cabdifitaax Wasiir) u magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Baydhabo, isla markaana bedelaya Mas’uulikii isaga ka horreeyay.

Laamaha amniga Maamulka degmada ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee la magacaabay, waxaana labada Mas’uul laga dalbaday inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here