KISMAAYO(TEBIYENEWS)-MUSHARAX CABDIRASHIID XIDIG OO SOO DHOWEYN LAMA FILAAN AH KALA KULMEY KISMAAYO.

0
128

Cabdirashiid Xidig oo ah xildhibaan katirsan Golaha shacabka soomaaliya isla markaana utaagan xilka madaxweynaha Jubaland ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweyey garoonka Sayid maxamed Cabdule Xasan.

Musharaxa waxaa soo dhoweyey xubno katirsan golaha wasiirada Jubaland oo ugu horeeyo wasiirka amniga iyo saraakiil katirsan daraawiishta Jubaland.

Mudane xidig ayaa dhoor jeer kale soo gaarey kismaayo isagoona lakulmey cadaadis dhanka maamulka ah hase yeeshee maanta waa ay ka duwaneed maalmihii hore oo waxaa soo galbiyey wasiiro katirsan maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here