Shir ay isugu yimaadeen guddiga doorashada dowlada goboleedka soomaaliyeed ee Jubaland iyo odayaasha dhaqanka Jubaland ayaa lagu lafa gurey qaabka ay guddiga u rabaan in ay soo xulaan xildhibaanada jubaland.
Guddiga doorashada ayaa ku qanciyey odayaasha dhaqanka in ay halkii xildhibaan soo gudbiyaan 3 xubnood kadibna gudaga ay xulan doonaan qofka ay rabaan.
Odayaasha ayaa aqbaley guud ahaan shuruudihii ay soo jeediyeen guddiga ayagoona sheegey cidii cabasho qabta in ay timaado.