Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaruunta kumeel gaarka Jubaland ayaa sheegaya in laga dareemaayo dhaqdhaqaaq soo dhoweyn loogu sameynaayo musharaxa madaxweynaha maamulka Jubaland mudane Xildhiban Cabdirishiid Xidig.
Ilow ku dhow dhow airport-ka magaalada kismaayo ayaa xaqiijinaya in ay goordhow soo caga dhigan doonto diyaarada uu saran yahaymusharaxa sida weyn looga sugayo magaalada kismaayo.
Kol sii horeysay oo yimid musharaxan magaalada kismaayo ayaa waxaa lasheegey in la carqaladeeyey taageerayaashiisa oo rabey in ay soodhoweeyaan, waxaana muuqaalo laga qaadey muujinayaeen musharaxaan oo dhex lugeynayaa meel duur ahoo kabaxsana garoonka diyaarasda ee magaalada kismaayo.
lama oga waxa iska bedeli doona soodhoweyntiisa sidii horey in loo hor istaagi doono iyo in kale, waxaase hada socoda abaabulo loogu diyaar garoobayo soodhaweyn tiisa.
Wixii kasoo kordha imaanshihiisa dib ayaan idin kugu soo gudbin doonaa. ���̰�4H`