KISMAAYO (TEBIYENEWS)-WAR DEG DEG AH:AXMED MADOOBE OO CIIDAMADA AMISOM EEDEYN KULUL UJEEDIYEY KUNA HANJABEY HAL ARIN.

0
20

Wararka nagasoo gaaraya magalada kismaayo ayaa sheegaya in madeaxeynaha maamulka Jubaland mudane Axmed Moxamed Islaam uu salada jimcaha khudbad xasaasi ah ka jeediyey maasaajid ku yaala madaxtooyada Jubaland.

Axmed madoobe ayaa eedeyn kulul dusha uga tuurey ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo itoobiya wuxuuna sheegey in ay wadaan fara gelin xoogan oo kadhan ah madaxbanaanida maamulka jubaland waa sida hadalka udhigeye.

Axamed madoobe oo lahadlayey Jamaacada salaada soo xaadirtey ayaa ku hanjabey in ciidamadiisa jiida hore ee dagaalka kasoo saari doono kismaayana soo gelin doono hadii ay joojin doonaan buu yiri daan daansiga ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo Burundi.

Lama oga madaxweynaha waxa ka jira eediisa hase yeeshee dowlada soomaliya ayaa lasheegey in ay wado qorshe ay kaga hor istaageyso musharaxnimadiisa.

Doorshada jubaland ayaa durba u uumaqta tii kadhcdey baydhabo oo shariif xasan iyo muqtaar roobow laga hor istaagey in ay tartamaan walow shariif xasan uu qaatey maslaxad halka roobow diidey kadibna dowlada qasab gacanta ugu soo dhigtey. Dadka siyaasada falanqeeya ayaa waxaa ay sheegayaan in axmed madoobe la gudboontahay go’aankii shariif xasan ama Roobow mid in uu doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here