Kiiskii ugu horreeyay ee Corona Virus ah oo laga helay Kismaayo

0
7

Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in labadii kiis ee ugu horreeyey oo cudurka corona virus laga heley magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 hadda lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.

Labadan Kiis ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xalay shaacisay in tarada guud ee dadka xanuunka laga heley dalka ay gaartay 60 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here