Kiiska Dacwadda Xisbiga uu u hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo bilaawday

0
20

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maxkamada Sare ee dalka waxaa Maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwad ay Maxkamada Sare u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dacwada ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxaa ay ka gudbiyeen Xukuumadda Soomaaliya 6-dii Bishii Octoober ee Sanadkaan 2019, kadib markii Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku wajahnaa Kismaayo,wallow markii dambe la fasaxay.

Goobta dacwada lagau qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed,Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.

Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe  Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si cadaalad ah u qaadi doonaan,isla markaana wax faragelin ah uga imaaneyn laanta fulinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here