Kheyre oo toosh ku daaray balan’laanta Farmaajo, gadaaalna ka riixaya doodaha ka socda baarlamaanka

0
26

Iyada oo markii ugu horeeysay mudo ku dhaw labo sano ay shalay qadka la iska arko ku kulmeed madaxda dowlad goboeedyada iyo dowlada fedaraalka, ayaa qodobadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in Madaxweyne Farmaajo hakad galiyo doodaha baarlamaanka uga doodayo afarta qodod ee ee soo qabanqaabiyeen gudiga baarlamank ee arimaha doorashada.

Sida ay MOL u xaqiijeen qaar kamida madaxdii ka qayb-gashay kulankaas, Farmaajo ayaa balan qaaday in uu hakad galin doono kulankaas ka socda baarlamaanka inta aan la qaban shirka fool-ka-foolka ah ee u dhaxeeya dowlad goboleedka iyo dowlad fedaraalka.

Xasan Cali Kheyre oo xiriir gaar ah la leh hogaanka baarlamaanka iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa uu si dadban gadaal uga riixayaa dar-dar galinta doodaha ka socda baarlamaanka. Ujeedada Xasan Kheyre ayaa lagu fasiri karaa oo kali ah in uu doonayo in u muujiyo madaxda dowlad gobeelayadda in Farmaajo yahay balan la’aawe aan doonaynin in uu fuliyo balamaha lagu heshiiyo.

Madaxda dowlad goboleedyadda ayaa waxaa u taal su’aal muhim ah taas oo ah, ma ka qayb-galayaan kulankii ay qabsan lahaayeen labada dhinac mar hadii Farmaajo uu ku fashilmay in uu hakiyo doodaha ka socda baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here