Kheyre oo ku fashilmay in uu ceyriyo taliye M. Dahir

0
20

Xasan Kheyre oo sameeyay iskuday ah in uu shaqada ka ceyriyo Gaanshaanle Sare Maxamed Dahir ayaa ku fashilmay qorshahaas ka dib  markii taliye Maxamed Dahir ka biyo diiday qorshaha Kheyre.

Ma aha kaliya in Kheyre doonayay in uu shaqo fariisin ku sameeyo Taliye Maxamed Dahir  balse waxa uu qorsheeynayay in uu darajada ka xayuubiyo.

Saraakisha ciidanka ayaa u sheegtay in talaabada uu qaaday Xasan Kheyre ay qalad tahay isla markaana ay gaf ku tahay sharuucda lagu maamulo Ciidanka.

Dhanka kale beesha Saleemaan oo uu ka soo jeedo taliye Maxamed Dahir ayaa u sheegay Farmaajo in aan Ciidanka loo isticmaalin karin aargoosaasho qabiil, dhibka ka dhasha qorshaha Xasan Kheyre-na uu mas’uuliyadded isaga qaadi doono.

Taliye Maxamed Dahir ayaa waxa uu hada ku sugan yahay xarunta shiiirkale iyo xarunta guulwadayaasha ee magaalada Muqadishu isaga oo halkaas ciidamo ku diyaarsanayo.

Xasan Kheyre ayaa dagaal beeleed kula jira hogaanka Ciidanka. Waxa horay dhaqan xumida Xasan Kheyre ka soo dacwooday taliyaha Ciidanka Janaraal Odowaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here