Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb

0
5

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda, iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta taageersan Xukuumadda.

Waxaa Garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb si wadajir ah ugu soo dhaweeyay garoonka  Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa uu qeyb ka noqon doona Shirka Dhuusamareeb two oo ka furmaya Magaaladaasi, islamarkaana looga hadlaayo doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here