Kheyre muxuu ka baran karaa Gudoomiye Jawaari? (Faalo)

0
24

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa bishii Abriil ee sanadkii tagay iska casilay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiye Jawaari ayaa waxa dagaal qorsheeysan ku qaaday Xassan Cali Kheyre isaga oo isticmaalaya hantidii iyo awoodii dowladda xukumaadda Soomaaliya.

Jawaari oo ah rug cadaa siyaasi ah magacna ku leh umadda Soomaaliyeed ayaa isaga oo awood u leh in uu ku sii nagaado kursiga kuna dagaalo  waxa uu qaatay go’aan ay aad uga caroodeen taageerayaashiisa iyo guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed laakiin ahaa mid ka tarjumayay dadnimadiisa, wadaniyadiisa iyo sida uu u doonayay in aan rabitaankiisa gaar ah aan marnaba lagu waxyeeleeynin dowladnimada Soomaaliya.

Jawaari waxa uu ka tagay sharaf mana jirto cid maanta ku eedeynaysa in uu qayb ka ahaa qorshaha Farmaajo iyo Kheyre ee lagu burburinaya dowladnimada Soomaaliya.  Shacabka Soomaaliyeed aya waxa ay dareemayaan maqnaanshihiisa iyaga oo aaminsan in loo darsaday.

Hadaba dad badan aya waxa ay isweeydinayaan in Xassan Cali Kheyre ma lahaan karaa damiirta iyo dadnimada Jawaari taas oo keeni karta isaga oo u turaya  dalka iyo dadka in uu si sharaf leh isku caslio. Bur-burka ku yimid shirkii Garowe  waxa asal u ahaa go’aano ay qaadatay xukuumadda uu hogaamiye Kheyre. Soomaalida inteeda badan ayaa qabta in iscasilaada Kheyre ay keeni doonto in dib u soo noqoto kalsoonida labada dhinac isla markaana uu furmo wadahadal labada dhinac ah.

Waxaan shaki ku jirin  in  Xassan Kheyre ku bixi doono qalaalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka, laakiin su’aashu  waxa ay tahay ma waxa uu baxayaa isaga oo dhaawac xun gaarsiiyay dowladnimada Soomaaliya oo baal mugdi ah ka galay taariikhda Soomaaliya mise isaga oo Soomaali abaal u heyso ayuu si degan isu casilayaa? Iscasiladii Jawaari wax badan ayuu ka baran karaa  Kheyre waa hadii uu jiro damiir iyo caqli uu ku qiimeeyo xaalada Soomaaliya maanta mareyso.

Hadii Madaxweyne Farmaajo awoodi karin waayay in uu ceyriyo Kheyre, waxa haboon in uu isaga isgarto oo uu u daneeyo shacabka iyo beesha uu ka dhashay oo uu galiyay godob badan oo uu iscasilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here