Kheyre “Haddaan madaxweyne noqdo, waxaan RW ka dhigaayaa shaqsi Ogaadeen ah”

0
6

Xogo kala duwan oo laga helayo Beesha Murusade ayaa sheegeya in MW Axmed madoobe la rabo in lagu qanciyo in uu taageero sidii musharaxa beesha Murusade Xasan Cali Kheyre u noqon lahaa Madaxweynaha dalka doorashada sanadka soo socda ee 2021 iyadoo Xuseen Cabdi Xalane, wasiirkii hore Maaliyadda ee fedraalka looga dhigayo RW dalka.

Inta bada waxaa jirtay caado lagu yaqaannay Axmed Madoobe oo ah inuu yahay shakhsi afmaal ah hasa yeeshe aan mawqifkiisa caddeyn marka ay timaado dowlad dhiska. Beesha Murusade ayaa Xamar si xoog leh uga bilowday inay la kulanto beelaha kale ee Hawiyaha waxayna ku jirtaa dadaal ay rabto ina lala qaato in Xasan Cali kheyre la sharaxo si Farmajo looga takhaluso.

Xasan Cali Kheyre waxaa uu ilaa iyo hadda diidan yahay inuu toos ugu biiro Xisbiga NN haddii uusan isaga noqoneyn Murashaha Madaxweynenimada ee Xisbiga NN.
Axmed Madoobe oo aad ula colloobay MW Farmajo kadib markii Farmaajo ka biyo diiday in uu aqoonsado doorashadii Axmed Madoobe ee sanadkii hore 2019.

Dhinaca kale Kheyre waxba afkiisa kama oran taas oo uu ku diidan yahay Jubaland waana sababta uu ugu dhawaaday Axmed Madoobe sida siyaasiin badani ay aamin san yihiin. Hawshaan hadda inuu isu sharraxo xilka dalkii uu dhibaatada ku hayey 4 sano ku dhowaad, isagoo raba inuu 4 kale sii dhibaateeyo waa talo xumo in aanu waaqica jira aanu ka warhayn ama iska indhatiraayo Kheyre. Arrintan riyada ah ayaa waxaa kala shaqeynaya:

1-Matt Bryden oo madax ka ah Sahan Global oo ah hay’ad uu Sameeyey Matt markii laga wareejiyey Monitoring Group Soamlia iyo Earateriya.
2- Xuseen Cabdi Xalane oo u shaqeeya Matt Bryden oo shaqaale sare hadda ka ah Sahan.

Haddaba Axmed Madoobe, Xuseen Xalane iyo Matt Bryden maka dhigi karaan Madaxweyne Xasan Cali Kheyre? misa waxay wataan istartejiyad ay ku kala fogeynayaan Kheyre iyo Farmajo?

Axmed Madoobe ma fahmsan yahay in Kheyre iyo Farmaajo aysan waxba is dhaamin oo haddii kheyre yimaado isagoo madaxweyne ah qofka ugu horeeya ee kursiga ka tuuri doono inuu isaga noqon doono oo heshiiska looga bixi doono sidii Galmudug uu kheyre ku sameeyay?

Beesha Murasade oo shirar badan usbuucii hore ku qabatay ayaa la kulmay siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo ka tirsan beesha Ogaadeen, waxayna si aan gabbad lahayn u sheegeen in RW Kheyre uu mar walbo taageersan yahay Axmed Madoobe iyagoo tusaale u soo qaadanayay kulan walba sida uu RW Kheyre u fududeeyay baxsadkii Cabdi Janan uu ka baxsaday guri uu kaga xirnaa magaalada Muqdisho.

Caqliga iyo Cirada ha shaqeeyaan oo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe haka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo sanadkan iyo kan xiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here