Kenya oo War cusub ka soo saartay heshiiskii ay kala saxiixdeen Farmaajo & Kenyatta

0
12

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah u dhaqan-gelisay heshiiskii ay madaxda labada dal ee Somalia iyo Kenya ku gaareen magaalada Nairobi bartamihii bishan.

Wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Kenya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay joojisay duulimaadyada Muqdisho ee ku soo jeeda Nairobi inay soo maraan magaalada Wajeer.

Sidoo kale diblomaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ayay sheegtay iney viisaha Kenya ka qaataan gudaha Kenya, iyadoo intaas ku dartay inay ka go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal ay kala saxiixdeen lana caadiyeeyo xiriirkooda.

Hoos ka Akhriso qoraalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here