Weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa walaac dhanka ammaanka ah ku abuuray dowladda dalkaasi.
Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhiso inta u dhexeysa bilaha December iyo Febraayo oo gudaha dalka Kenya looga dabaal dago munaasabado uu ka mid yahay sanadka cusub.
Bishii January ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii Al-Shabaab ayaa la xusuustaa in 21 ruux ay ku dishay weerar toos ahaa oo ay ku qaaday hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi, halka sidoo kale isla bishaan January ee sanadkan cusub 2020-ka Al-Shabaab weeraro khasaaro badan geystay ka fulisay deegaano ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Gaarisa, kaas oo ay la beegsatay iskuul ku yaalla tuulada Kamuthe, halkaasi oo ay ku dishay saddex Macalin oo ka howlgalayey iskuulkaasi.