Kenya Oo Cadaadis Nuuc Cusub ah Saareysa Dawlada Soomaaliya

0
19

Dawlada Kenya ayaa waxay bilowday Naqshad kale ay ku raadineyso sidii ay ku heli laheyd Dawlada Soomaaliya inay ku dhabar jebiso.

Inkastoo warar soo baxay ay sheegayaan in Kenya sidii ay rabtay Heshay Oo muranka Badda Maxkamada ICJ laga soo wareejinayo hadana si cad arintaas looma shaacin.

Dawlada Kenya ayaa waxay hadda xulufeysi ka dhiganeysaa Soomaaliland oo hore usheegatay inay ka go’day Soomaaliya Sanadkii 1991-kii.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Dabayaaqada Bishaan Safar ku tegaya Magaalada Nairobi.

Waxa la filayaa in Kulan gaar ah uu dhexmaro Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta,iyadoo Arimo Xasaasi ah kawada hadli doona.

Kenya ayaa Labo Arin ka damacsan Soomaaliland waa mida 1aad inay suuq uhesho Khaat-ka Kenya oo la iib geeyo Soomaaliland iyo in Dawlada Soomaaliya lagu Cadaadiyo Arinta Badda si looga careysiiyo Kulanka Soomaaliland iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here