KASHIFAAD: Halista Kuraasta Xildhibaanada Wareejiyey Deegaan Doorashadooda

0
2

Xildhibaanada Golaha Shacabka Qaar ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay wajihi karaan Xaalad adag marka la eego deegaan doorashadoodii ay badeleen.

Xildhibaanka ugu badan ee Wareejiyey Kursigiisa Deegaan doorasho waa Gudoomiye kuxigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Waxa uu sheegay inay asbaabo badan ay ugu wacneyd inay taas timaado,Cadaado ayaa lagu dooran lahaa 2016-kii balse waxa uu usoo wareejiyey Muqdisho oo lagu doortay.

Cawad ayaa hadda isku diyaarinaya oo kursigiisa dhigay Deegaanka Towfiiq Ee Gobolka Mudug iyadoo Xildhibaankaas uu yahay kan ugu badan ee Badelay Deegaanka lagu soo dooranayey.

Kudhawaad 40 Xildhibaan ayaa la sheegay inay wareejiyeen Sanadkaan inay Deegaankii laga soo dooran lahaa ay badesheen.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere Oo Gobolka Jubbada Hoose ahaa meesha laga soo dooranayey ayaa Gedo loo raray,waxaana la sheegay in xildhibaan walbo xaq uleeyahay inuu doorto meesha uu ka heli karo Doorasho.

Wasiirkii hore Ee Dhalinyarada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo hadda ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gobolka Hiiraan kasoo wareejiyey Kursigii Doorashadiisa iyadoo Jowhar uu usoo wareejiyey.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan ka digay in Kuraasta la wareejinayo ay sababi karto in Xildhibaanada ay Beelaha matelayeen waayaan Kursigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here