Jubbaland oo soo saartay Go’aamo la xiriira dagaalka ka dhan ah Coronavirus & Masaajida oo la xiiray

0
11

Kadib shir deg-deg ah oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada, maamulka Jubaland ayaa soo saarey go’aano la xiriira ka hortagga fayruska dunida saameynta ba’an ku yeeshay ee Corona.

Go’aanada, oo la faray in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan-geliyo, ayaa kala ah; in si ku meelgaar ah loo xiro Masaajida si lamid ah in la joojiyo kulamada balaaran ee dadweynaha.

Intaas waxaa wehlisa in baaritaano dheeraad ah la marsiin doono dadka soo galaya ama ka baxaya Jubaland gaar ahaan garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha.

War-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka oo nuqul kamid ah ay aragtay warbaahinta ayaa dadweynaha ku booriyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish, wasiirka arrimaha gudaha maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here