Jubbaland oo kasoo horjeesatay Xeerarka ay ka doodayaan Golaha Shacabka

0
11

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen Afarta Xeer oo laba kamid ah ay Golaha Shacabka ansixiyeen iyo kuwa ay haatan doodiisu ay wadaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka uu ku sheegay in waxka bedel lagu sameeyay Xeerarkii labada Aqal ay usoo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka oo ay ka doodayaan Baarlamaanka.

Jubbaland waxaa ay sheegtay inaysan aqbali dornin doorasho ku yimaada Xeerarka ay ansixiyeen Golaha Shacabka,iyada oo aan wax wadatashi ah laga yeelan,waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka loogu baaqay inay hakiyaan dooda Xeerarka inta uu ka qabsoomayo Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qalalaaso siyaasadeed  iyo dib u dhac weyn ay ka shalay karto habraac doorasho ee heer federaal ee aan wadatashi siyaasadeed laga yeelan oo ay qeyb ka yihiin Dowlad Goboleedyada.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Dowlad Goboleedka Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here