Jubbaland oo dalbatay in Ciidanka dowaldda shuruud la’aan uga baxaan Gedo

0
9

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxa Madaxweynahu uu sheegay in Arimaha amaanka hormar badan laga sameeyay iyadoo Ciidamada iyo Hay’adaha amaanku ay wadaan dadaal adag oo lagu xorayno deegaanada maqan taasna shacabku ay door muuqda ku leeyahiin.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka iyo Dowlada Jubbaland ay ka guulaysan doonan Al-Shabaab loona diyaar garoobayo howlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo dhamaan deegaanada ay wali ku harsan yihiin iyadoo sidoo kale la isku farayo dhamaan deegaanada xorta ah Ciidamada Jubbaland ee howlagaladaas fulin lahaana ay diyaar yihiin.

Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in duulaan cad ay kusoo qaaday Dowlada Federaalka ah deegaano nabdoon oo Al-Shabaab laga saaray 10 sano kahor isagoo xusay in boqolaal shacab ah ay halkaas ku barakaceen sidoo kalana ay Dowlada Federaalka ah burburisay maamulkii halkaas ka jiray.

Madaxweynahu wuxuu u sheegay Dowlada Federaalka ah inay Ciidamadeeda si shuruud la’aan ah ugala baxdo Gobolka isagoo intaas raaciyay in Ciidamada halkaas la geeyay ay joojiyaan dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka inay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka shacabka ah ee deegaanada daawo ee Gobolka Gedo ku barakacay.

Arimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynahu sheegay in aanay waxba ka soconaynin hadii aanay go’aan ku lahaanin Dowlada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo dhinacyada ku lugta leh isagoo sidoo kale sheegay in Barnaamijka Deyn cafinta oo mudo soo socday ay diyaar u tahay Jubbaland sidii guul looga gaari lahaa lakiin loo baahan yahay in Dowladaha deeqda ku bixiya Soomaaliya ay ka fiirsadaan waxyaabaha loo adeegsado lacagaha ay Soomaalida siiyaan oo dib loogu burburiyo hanaankii Federaalka ahaa ee dalka dib u dhiskiisa waxbadan ka taray.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowladaha shisheeye inay faraha kala baxaan Arimaha gudaha Soomaaliya si gaar ahna Dowlada Qadar ayuu sheegay inay joojiso lacagaha ay ku bixinayso burburinta Dowladnimada Soomaaliya isagoo sidoo kale Dowlada Turkiga ugu baaqay inay dib u eegto dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo.

Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale Dowlada Itoobiya uu ugu baaqay inay xakamayso Sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya isago sheegay in Dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale o uu ka hadlay heshiisyada dibadaha ay kusoo galaan Madaxda Dowlada iyadoo aan lagala tashan dhinacyada ay saamaynayso waxaa uu xusay Madaxweynahu in heshiisyadaas aan waxba ka jirin oo la burin doono.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eretariya waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee aan ka baran karo Eretariya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here