Jubaland oo markii ugu horreysay ka hadashay ciidamadii Beledxaawo ee u goostay DF

0
25

Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ciidamadii gaarayey illaa labada boqol ee askari ee ku sugnaa Beledxaawo ee dhowaan uga goostay dhanka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xaqiijiyey inay jirto in ay ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland, oo ka tagay Beledxaawo islamarkaana aaday Luuq, balse sheegay “inaysan ahayn wax weyn.”

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa yiri “Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaas ku daray “ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto.”

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in ciidamada goostay ay dhabarjab weyn ku yihiin Jubaland, islamarkaana ay gacan ka gaysanayaan qorshaha ay dowladda federaalka kua wada qabsaneyso gobolka Gedo, islamarkaana uga goyneyso gacan ku haynta maamulka Jubaland.

Goosashadan ciidamadan ayaa waxaa gacan ka geestay saraakiisha Itoobiya oo qeyb ka ah qorshaha gobolka Gedo si rasmi ah loogu hoos gaynayo dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here