JOWHAR(TEBIYENEWS)-MADAXWEYNE WAARE OO BAHDILAAD KU SAMEEYEY WASIIRO KATIRSAN DOWLADA FEDERALKA OO SOO GAAREY JOHWHAR.

0
27

Wafdi kasocda xukuumada soomaaliya ayaa gaarey mid gelinkii danbe ee maanta magaalda jowhar oo fadhiisin u ah maamulka Hirshalbeele, wafdiganoo ka koobnaa wasiiro iyo lateliyaal ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka wasaarada waxbarashada Mudane Caddullahi Goodax Barre  iyo wasiirka wasaarada amniga mudane Islow oo labauba deegaan ahaan kasoo wada jeeda Hirshabelle.

Madaxweynaha maamulka hirshabeelle mudane maxamed Cabdi Waare ayaa lasheegey in uu hoos udhogey hab maamuuska wasiiradan heer federal ah, waxaana lasheegey in uu udirey wasiiro  iyo agaasimayaal isagoo waliba kusugan xaruuntiis arintaas oo aan horey loogu baran.

Wafdiga oo lasoo gelbieyey ayaa hadana madaxweynaha lagu soo waramaa in uu ka cudurdaartey in uu lakulmo isagoona balan haloo sameeyo ku yiri baratokoolkiisa.

Imaansha awafdiga ayaa  imaanaya kadib diidmo xoog badan markii ay kadimid ardeyda iyo maamulka hirshabeelle go’aankii wasaarada caafimaadka ku baabi’isey natiijada imtaxaanka kadib markii wasaaradu ku doodey in laqishey imtaxaanka.

Wafdiga ayaa lafilayaa in uu wadahadal laqaato madaxweynaha  maamulka hirshabeelle mudane waare si ay isula meel dhigaan qaabka imtaxaanka loo qaadaayo. campa�ř�^mP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here