JILIB: FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA DUQEYMO LALA BEEGSADEY SHABAAB.

0
39

Wararka ka imaanaya Jobooyika ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacey duqeymo diyaaradeed oo ka gedisan kuwii horey loogu uga dhici jirey halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo ay sheegeen in ay ku xiran yihiin nalal (leerar) waaweyn oo ifiya dhamaan goobaha ay dul marayaan.

Goobjoogayaal kusugan degmada Jilib ayaa sheegey in ay arkeen diyaarad tuureysa holaac aad u xoog badan kaas oo gubey xiro ciidan oo alshabaab ku lahaayeen duleedka degmada Jilib.

Saraakiil katirsan sirdoonka soomaaliya oo aan la xiriirney ayaa sheegey laduqeyey xero ciidan ay lahaayeen alshabaab degmada Jilib, ayagoo intaa ku darey in xerada ay ku xareysanayeen dagaal yahano gaaraya kudhwaad 700 askari kuwaas oo la aamin san yahay in halkaasi waxyeelo kasoo gaartey.

Degmada Jamaame duqeyn ayaa kadhacdey taas oo lala beegsadey Ciidanka loo yaqaano Jeshka oo ah ciidanka meliteryga Alshabaab kuwaas oo lasheegey in weerar ku ahaayeen qeybo ka mid dalka Kenya sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Dagaalka oo markii hore lasheegey in uu ku bilowdey duqeyn ayaa isku bedeley iska hor imaad toos kadib markii ay degeen labo diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah duleedka xerada laduqeeyey diyaaradaas oo halkaa ku daadiyey ciidamo ku qalabeysanaa hub culus sida uu sheegey sarkaaga katirsan sirdoonka soomaaliya.

Sargaalka ayaa sheegey in ciidanka xerada ay gudaha ugaleen ciidanka ayagoona gacanta ku dhigey 4 horjooge oo katirsanaa amiirada alshabaab.

Kudhawaad 37 askari iyo 32 gaari dagaal ayaa lasheegey in xerada ay ku jireen waxaana weli cadeyn qasaaraha dhabta ah.

Ugu danbeyn Gobolka Jubada hoose meel u dhaw Degaanka Cagalibaax waxaa laduqeeyey ciidamo gaaraya 100 askari oo hogaaminayey amiirka ciidmada Jubooyinka Xasan Yare.

Waxaana la xaqiijiyey dhimashada amiirkii hogaaminayey ciidanka iyo inta bada askartii lasocotey.
Wardoonka soomaaliya ayaa diidey in ay sheegaan weeraradan dowlada fulisey waxeyn ku gaabsadeed saaxiibada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here