ISTANBUUL(TEBIYENEWS)-DOWLADA TURKIGA OO DIB U CELISEY CIIDAMO SOOMAALIYA LOO TABABAREYEY IYO KHILAAF CUSUB.

0
35

Wararka naga soo gaarya magaalada Ankara ee caasimada dalkan turkiga ayaa sheegaya in laga celiyey ciidamo kayimid dalka soomaaliya kuwaas oo loo keeney in ay tababar  ku qaataan dalkaasi.

Arintaan ayaa timid kadib ismaan dhaaf lasheegey in uu dhexmarey Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo safaarada turkiga.

 khiaafkaan ayaa lasheegey in uu salka ku haayo ciidamo soomaaliya ah oo safaarada tababar fiican siisey isla markaana balan qaadey in safaarada ay bixin doonta mushaaraadkoodaa.

Ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa lasheegey in uu safaarada ku amrey in lacagta ay kusoo wereejiyaan isla markaana ciidankaan iyo ciidankii horaba isku xaquuq ay noqonayaan.

Dowlada turkiga ayaa diidey waxaana lagu soo waramayaa sargaalka tababarka madax ka ahaa iyo ra’isul wasaaraha in ay isafdhaafeen kadibna safaarada turkiga ayaa lasheegey in ay lasoo xiriirtey dowladeeda waxaana ugu danbeen go’aan lagu qaatey in ciidamada hada tababarka kujira la joojiyo oo dalkooda dib loogu celiyo waxaana galbta moqdisho kadegey diyaarad sidey 40 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here