ISBAHEYSI CUSUB OO GAROWE LOOGU DHAWAAQEY IYO MADAXDA GALMUDUG IYO JUBALAND OO LAGA NAXSADEY

0
50

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xaruunta maamulka puntland ayaa sheegaya in isbaheysi cusub looga dhawaaqey halkaasi, isbaheysiga ayaa lasheegey in ay kumideysan yihiin maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland iyo Dowlada Federalka Soomaaliya .

Arintaan ayaa lasheegey in dowlada soomaaliya Guulweyn utahay, walow aysan ku farxi doonin galmudug iyo Jubaland, dowlada soomaaliya ayaa laga soowarammayaa  in madaxweynaha  Puntland Saciid Deni siisey lacag xoog badan oo  gaareysa 2melyen oo dollar si ay ugu qanciso taageerida dowlada.

Madaxweynaha koonfur galbeed iyo kan Hirshabeelle ayaa ayagana lasheegey in loo balan qaadey lacago walow aan weli lasiin.

Dowlada soomaaliya ayaa hada u muuqata mid dooneysa in ay maquuniso doorashada Jubaland iyo Galmudug oo lafilaayo in ay dhacdo bilah fooda nagu soo haaya.

Doorashada Jubaland ayaa dowlada federalka culeys wayn ku ah waxaana lasheegaya hadii MR.Madoobe soo laabato in dowlada Qattar weyn gelin doono waxaana hada muuqata in dowlada ay naasnuujin xoogan ku heyso mucaaradka Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u adag in lasaadaaliyo xaada dalka uu maraayo ayadoo lagu soo waramaayo in wadamada deeqaha bixiya ay dowlada soomaaliya dhalilayaan qaabka ay wax uwado.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa

Xafiiska warqabadka garowe puntland warbaahinta madaxbanaan ee tebiyenews

Tebiyenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here