Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka sameeyey deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya.
Howlgallada ayaa ahaa kuwa ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi.
Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhaq dhaqaaqyadaasi.
Ciraaqi ayaa tilmaamay in howlgalladaan ay ku soo qab qabteen qaraxyo badan, ayna fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.