Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya u diyaar garoobeen howlgal la’isugu furayo waddoyinka isku xira deegaanada maamulkaasi oo ay go’doomisay Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in ay si gaar ah howlgalladaasi ka ga bilaaban doonaan Waddooyinka xiriiriya magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya.
Sidokale wuxuu faray ciidamada inay si degdeg ah ku yimaadaan xeryahooda milatari, si ay ugu diyaar garoobaan difaaca dalka.
Halkan hoose ka dhageyso codka.