Howlgal qorsheysan oo laga fuliyey Xaafado ka tirsan Jowhar

0
7

Ciidamo ka tirsan Booliiska Hir-Shabeelle ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi, loogana hortagayo haddii ay jiraan kuwo falal amnidarro ah ka wada halkaasi.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay Jowhar, ,isla markaana ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada jowhar.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsooni badan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri qof kamid ah dadka Magaalada jowhar.

Magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa mararka qaar falal amni daroo,waxaana taliska Booliska uu sheegay inay amniga Magaalada xaqiijin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here