HAY’ADA ICG OO SHEEGTEY IN HAWEENKA SOOMAALIDA TAAGYEERAAN ALSHABAB.

0
20

Warbixin ay soo saartey Hay’ada Xasaradaha caalamka ayaa lagu sheegey in ururka alshabaab ay kahelaan taagyeero haweenka soomaalida.

Hay’ada ayaa sheegtey in ururka alshabaab ay aad u ixtiraamaan haweenka ayagoona xuquuqdooda usoo dhiciya ayagoo u maraya shareecada Islaamka sida ay sheegtey hay’adu.

ICG ayaa sheegtey in alshabaab iyo boko haraam ay aad ukala duwan yihiin marka loo eego dhanka xaquuqda haweenka.

Kooxda Xasaradaha caalamka ayaa sheegtey in haweenka soomaalida aanu qeyb ka aheen qaraxyada iyo dagaalada alshabaab wado balse haweenku alshabaab u tababaraan qaabka xogta loo helo iyo in hubka ukala gudbiyaan raga meelaha halista ah sida in ay gudbiyaan hubka fudud isgoysyada dowladu joogto.

Hay’ada waxaa ay sheegtey in ciidanka dowlada aanu baarin haweenka isla markaana arintaa ufududeyso kala gudbinta hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here