Haweenay Xijaaban oo madaxweyne ka noqotay dal ay Muslimiinta aad ugu yaryihiin !
Xalima Yacquub, oo ah haweenay Muslim ah oo xijaabata, ayaa maalin kaddib loo dhaarin doonaa maadxweynaha dalka singapore.
Xalimah ayaa noqonaysa madaxweynihii Sideedaad ee uu dalkaas yeesho.
Xalima ayaa ahayd musharaxa kaliye ee buuxiyey shuruudaha qofka xilka qabanaya xilka madaxtinimo lixda sanno ee soo socota.