HARGEYSA(TEBIYENEWS)-NUXURKA WAREYSI XASAASI AH OO SAFIIRKA UK U FADHIYA SOOMAALIYA BIXIYEY.

0
24

Safiirka UK u fadhiya soomaaliya  Amb. Ben Fender ayaa wareysi xasaasi ah uu siiyey tv-ga caalamiga ah ee Horn cable-HCTV uga hadlay xaalada soomaaliya guud ahaan.

Wareysiga oo dhinacyo badan taabaney ayaa waxaa uu uga Hadley arimaha dalka, safiirka ayaa sheegey in xiriir qoto dheer kadhaxeeyo Somaliland iyo UK ayna ka taageraan dhanka ciidanka booliiska iyo dhanka waxbarashada.

Safiirka oo kusugan hargeysa ayaa wareysigiisa kusheegey in ciidamada soomaaliya shaqo waanagsan ay qabteen kadib markii ay ku durkeen deegano hor leh oo katirsan sheebaaha hoose.

Safiirka ayaa sheegey in dowlada farmaajo shaqo wanagsan ay qabatey wuxuuna ka gaabsadey in uu gudaha u galo wareysiga.

Safiirka ayaa sheegey in magaalda baydhabo tagai doono halkaas oo sheegey in Ingiriiska ku taba barayaan ciidan gaaraya dhoor kun oo askari Si kastab ha ahaatee saafiirka ayaa lafilayaa in uu tago magaalada baydhabo maalinta axada soosocota, waxaana laga yaaba in uu soo hadal qaado arimaha dib u heshiisiinta iyo kiiska Muqtaar Roobow oo xiligii doorshada lafta gareen la xirey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here