Ha furin Albaabka foowdada

0
15

Waxaan xasuustaa mar uu la hadlaayey barlamaanka markuu murashaxa ahaa Mudan Farmaajo sida uu u jiley barnaamij siyaasadeedkiisa ee beer laxawsiga ku larnaa taas haba yaraatee maanta waxba kama jiraan ay tahay sida aanu wada oganahay, Masuul kasta waxaa qori doonta taariikhda waayo Soomaalida maaha jaahil sidii hore oo waxbey qoraan weyna akhriyaan sidaa awgeed Md Farmaajo taladu iyada kuguma noola ee Adiga ku nool ayey dhahdaa Soomaalidu waa xikmad afac badan (Look before you leap).

Dhacdooyin faro badan oo isxigxiga ayaa ka dhacey dalka inta aad xukunka qabatey kuwo hormarineed iyo kuwo dib u dhac intuba laakiin waxaad ogaata (Been fakatey run ma gaardho) si kastaba fursadii shaley lagu siiyey usoo celi oo kusoo celi Shacabka Soomaaliyeed taasoo aan ula jeedo inaad iska iloowdo damac siyaasadeed oo ah inaad mudo kororsi sameyso adigoo maanka ku haya Shaley maanta maaha.

Akhriste maaha ujeedka qoraalkeyga inuusan isasoo sharixi karin Md Farmaajo waxaanse ku boorinaaya inuu boorka iska jafo uu soo celiyo sidoo muwaadiniin badan xiran oo usoo celiyo xuriyadoodaoo ugu horeeyo Murashixii aqlalbiyada badanaa SH MUQTAR ROBOW isla markaa wax ka bedelo dagaal siyaasadeed Juballand si meesha uga saaro maamulka Ahmed Madoobe nabada noolaha oo dhan aya ku nool ee ha furin albaabka foowdada.
Waqti wuu isdaba guraa ku xisaabtan mudo xileedkaaga adigoo maanka ku haya maslaxada guud waxaanu kaa codsanaynaa inaad qaadato xikmada ah ( xaajo daba la qabto malaha ee daamo la qabto ayey leedahay)

W/Q Okasha Mohamed

(ukash37@gmail.com)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here