GUUSHA DOWLADA FEDERALKA DOORASHADA 2020

0
86

MUQDISHO(TEBOYENEWS)-Sharciga Doorashooyinka ee dhowaan Golaha Wasiirada ansixiyeen ee haatanna horyaalla Golaha hacabka, ayaa ah sharci fursad u siinaya in Dowladda Federaalka in ay ku guuleysato tartanka Doorashada 2020-ka, Nidaamka Doorashooyinkan ayaa ku dhisan habka qaybinta boqolleyda deegaan Doorashoyin isku xiran, iyadoo tirada cod bixiyeyaasha oo dhan loo qaybinayo tirada kuraasta loo codeeyay, Xisbi walbana uu saami u heleyo tirada codadka uu helay kuraas u dhiganta, taas oo ka dhigan in ay guusha raaci doonto Xisbiga helaa codadka ugu badan ama kala bar tirada guud codadka ee ansaxay.

Sharcigan Doorashada 2020-ka ayaa Dowladda kaga adkaan doonta Xisbiyada badankooda, gaar ahaan xisbiyada taageereyaashodu ku yar yihiin goobaha Dowladda Federaalka ay gacanta ku hayso, oo ay ka midka ah yihiin Xisbiyada taageerayaashoodu deggan yihiin maamulka Soomaaliland iyo Xisbiyada taageerayaashooda ay joogaan goobaha argagaxida haysato ayaanan heli karin fursadda ay kaga qayb gali karaan tartanka Doorashooyinka 2020ka.

Hoggaanka kala-danbeya ee mideysan ee Dowladda ayaa ka dhigaya maamulka siyaasiga ugu cimriga dheer 20-ka sanno ee dambeysay waxaa ayna taas dhiirrigalinsaa kalsoonida Shacabka ee ku daalay murannada Siyaasiga ah ee ragaadiyay horumarka, taas oo u suurtagalinaysa in dowladda la timaado qorshe ku habboon Doorashada 2020-ka (startegy) ee ku guuleysan karto.

Qorshaha Doorashada 2020 ee Dowladda waxaa ugu weyn in ay gacanta ku hayso maamulka deegaannada Doorashada ka dhacayso iyo howlgalinta shaqaalaha Dowladda ee ka shaqaynaya goobaha suurtagalka ka tahay in ay ka qabsoonto Doorashada, isla markaana amniga goobahan la isku haleyn karo, farsamooyinka kale ee u sahlaya Dowladda in ay guuleysato waxaa ka mid ah qorshaha Amni ee ah in aanan la xoreyn Dalka gaar ahaan deegaannada Siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo jeedaan, si aynan u helin codad ku filan ay kusoo galaan masraxa siyaasadda Qaranka taasboo ka dhigan in Mucaaradkana ku adkaanayso in ay ka howlgalaan deegaannada aan xorta ahayn iyo in ay ka sameeyaan ololahooda Doorashada deegaannada taageerayaashooda ku badan yihiin.

Guusha Dowladda waxaa xaqiijinaya gacan ku haynta maamulka Gobolka Banaadir oo ah xaruunta Dowladda Federaalka isla markaana ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee helaya fursadda ka qaybgalka codbixinta, Shacabka Gobolka Banaadir ku nool, una heellan yihiin taageerada Dowladda Federaalka sida mar walba ka muuqata isku soobaxyada ay soo abaabulaan Degmooyinka iyo Gobolkaba, waxaa intaas sii dheer howl-wadeennada cusub ee la magac baxay XOOGAGA WADANIYIINTA ee lagu meeleeyay degmooyinka si ay u diyaariyaan taageerada shacabka ee dowladda, isla markaana u gogol xaaraan qorshaha ololaha doorashada iyo taageerada codeynta shacabka, XOOGAGGA WADANINYIINTA ayaa haysta awood ka saraysa tan maamulka GOBOLKA BANAADIR oo ay ku ilaaliyaan waxqabadka gobolka.

Waxaa kale oo kamid ah sababaha guusha Dowladda, qorshaha ololaha Doorashada ee 2020-ka, taageerada Madaxda Maamul Goboleedyada ay soo dhisatay iyo shacabka ku nool deegaannadaas isla markaana ah maamul goboleedyada ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan, oo ay ugu horreyso Koofur-Galbeed iyo Hirshabeelle.

Taageerada kale ee dowladda heysato waxaa kamid ah, barakacayaasha ku nool xeryaha ay gacanta ku hayaan maamuladda Degmooyinka gobolka Banaadir, dadka ayaa ku tiirsan gargaarka hay,adaha dowladda hoos taga, waxaa ayna helaan gargaarka mucaawinada wasaaradaha dowliga ku shaqada leh, xiriirkan ayaa u sahlaya in dowladda hesho codadka shacabka ku nool xeryaha barakacayasha, odayaasha dhaqan beelaha ee ka diiwaangashan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kamid ah taageerada dheeraad ah ee dowladda gacanteeda ku jira, xiriirka ka dhaxeeya kaabo qabiiladan iyo dowladda ayaa ah mid adag weliba u suurtagalinya in teegeerada beelaha ay hogaamiyaan ay siiyaan dowladda si ay ugu guuleystaan doorashada 2020-ka.

Awoodda dhaqaale oo ay Dowladda haysato ayaa siinaysa fursad ay ku samaysto bandhigyo oo ay ku soojiidato Shacabka weliba ku shaqaaleysiiso qubaro iyo howl-wadeenno aqoon u leh sameeynta qorshe Doorasho dhamaystiran oo natiijada Guusha laga dhex arki karo iyo wacyigalinta ololaha Doorashada, fursadaha guusha Doorashada Dowladda 2020-ka waxaa kamid ah warbaahinta u gaarka ah Dowladda ayaa siinaya xiriirka shacabku helaan fariimaha wacyigalinta siyaasadda iyo ololaha Doorashada dhanka Dowladda kaliya, iyo howlagalinta saxaafadda gaarka loo leeyahay ee xulafada la ah, iyada oo kireysanaysa saxaafadda kale iyo shaqsiyaadka shacbiyada ku leh baraha bulshada ee aan ka midka ahayn xulufada taageerta Dowladda.
Farsamooyinka kale waxaa kamid ah wada-shaqaynta iyo xog-wadaagga ka dhaxaysa guddiga madaxabaan ee doorashada qaranka iyo dowladda ayaa ah fursad kale usiinaysa in dowladda hesho xogta daahsoon ee u fududeynaysa in ay ku howlgasho, talo soo jeedin ku leedahay warbixinnada laga sameeyay shacabka ku nool deegaan doorashooyinka ku haboon in ay doorashada ka dhacdo ayaa dowladda siinaya tilmaan ay ku guuleysanayso, isla markaana waqti doorashada dhaceyso lagu jaan-gooyo xilliga dowladda diyaar u tahay, si loogu kadiyo xisbiyada kale ee doorashada ka qaybgalaya.
Gunaanad.
Masraxa Siyaasadda iyo wacyiga Shacabka waxaa saamaynta ugu badan ku leh Dowladda Federaalka, waxaana cad in guusha Doorashada 2020-ka ay raacday Dowladda sida muuqata marka laga Eego awoodaha, maamul, dhaqaale, shacbiyad iyo farsamo ee Dowladdu leedahay, waxaa fursadda guusha Dowladda kor usii qaadaya Xibiyada badan ee taagta-daran isla markaana ay ku yar tahay aqoonta, khibradda, biseylka, dhaqaalaha, maamulka, shacbiyadda iyo farsamooyinka kale ee lagama maarmaanka u ah guusha tartanka Doorashooyinka, weliba ay usii dheer tahay maqnaanshaha codkooda ee warbaahinta iyo kalsooni darrada Xisbiyada dhexdooda ah ee ka hortaaggan in ay samaystaan Isbahaysiyo ama dallado ay ku mideysan yihiin oo ay ku muujiyaan codkooda ama ay kula loolamaan tartanka Doorashada ee Dowladda kula jirto.

W/Q.
Muxudiin Iimaan
Muhyadiin7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here