Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga Waxaa Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Aada.
Waxaa uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Gudoomiye Mursal Magaalada Adis ababa ka dib markii uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalka Itoobiya.
Waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.