Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo gaaray Janaale (SAWIRRO)

0
9

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa Arbacadii gaaray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa waxaa deegaankaasi ku soo dhaweeyay Maamulka iyo dadka deegaanka, isagoona lacago u qaybiyay bulshada deegaanka qaybtood.

“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa kormeer ku garay deegaanka Janaale, si uu u dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka, difaaca iyo ciribtirka argagixisada Al Shabaab.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa xalay ku hoyday deegaankaasi, isagoona kulamo kula leh Maamulka deegaanka, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga AMISOM ayaa 16-kii bishii March ee sanadkii 2020 dagaal kula wareegay gacanta ku haynta deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here