Guddoomiyhii hore ee degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa dagaal looga saaray degmada, kadib markii uu diiday inuu xilka wareejiyo, waxaana saaka weerar ku qaaday ciidamada AMISOM ee Itoobiy iyo kuwa K/Galbeed.
Iska hor imaad dhex maray ciidamo uu wato guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) iyo ciidamada maamulka K/Galbeed oo la socday maamulka cusub ee doonayey inay xilka la wareegaan ayaa keenay inay loogu yeero ciidamada Itoobiya, taasoo keentay in guddoomiyihii hore ee ciidamada taageersan ay ka baxaan degmada iyagoo hadda ku sugan duleedka magaalada.
Iska hor imaadka maanta ka dhacay degmada Diinsoor ayaa la sheegay inay ku dhinteen 7 qof oo laba ka mida ay askar yihiin, sida uu sheegay guddoomiyihii hore, waxaana dhaawac kasoo gaaray 5 qof oo kale, iyadoo ay hadda degmada ku sugan yihiin wasiiro ka socda Maamulka K/Galbeed iyo maamulka cusub.
Waxaa lasoo weriyey inay degmada Diinsoor ka dhaceen bannanbaxyo lagu taagerayo guddoomiyihii hore, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee maamulka K/Galbeed uu awood ciidan ku xaliyo arrimo maamul.
Mas’uuliyiinta K/Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada maamulkasi ay ku raad joogaan guddoomiyihii hore oo loo heysto amar diido iyo dagaal uu sababay.