Guddoomiye Tuulax”Waxaa bilaawday howlgal Guri Guri ah”

0
28

Gudddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax iyo Xubno kale ayaa waxaa ay xalay kormeer dhinaca Amniga ah ku tageen degmooyinka Wadajir,Dharkeenley iyo Kaxda.

Guddoomiye Tuulax oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in degmooyinka ay soo mareen amnigooda uu yahay HyeQalbi wanaagsan,isla markaana Ciidamada ay ka wadeen howlgallo kala duwan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidmada Booliska Soomaaliya ay howlgal Guri Guri ah ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobolka Gobolka Banaadir sidoo kale degmoyinka kale laga sameyn doono.

Hadalka Gudddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmooyinka Gobolka Banaadir waqtiyada habeenkii uu bandow saaran yahay sababi la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here