Guddoomiye Mursal oo sheegay inay dhaceyso doorasho Qof & Cod ah

0
8

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Golaha ayaa Sidoo kale ka hadlay mas’uuliyadda ka saaran qofka Xildhibaanka ah dalkiisa guud ahaan gaar ahaan deegaanka laga soo doortay oo ay tahay Marka uu fasaxa galo Inuu u kuur galo xaaladaha deegaankiisa ka jira si Warbixinta uu kasoo diyaariyo uu dib ugu soo celiyo Golaha Baarlamaanka,Waxaana uu tilmaamay in horumarka dal walba uu ku xiranyahay sida dadkiisu ay uga faa’ideystaan waxa uu Alle ku maneystay iyo sidoo kale maareeynta

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kalfadhigii lasoo dhaafay ku guuleystay ansixinta shuruuc Dalka Muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharciga Doorashooyinka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixay,isla markaana taasi ay suurtagelineyso in Soomaaliya lagu qabto doorasho qof iyo Cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here