Guddoomiye ku xigeenkii Wanllaweyn oo lagu dhex dilay gurigiisa

0
5

Guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa xalay lagu dhex dilay hooygii uu ka deganaa magaalada Wanllawen.

Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga guddoomiyaha, waxuuna u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray.

Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisii oo loo qaaday xarumaha caafimaadka degmada oo aan sidaas u taag badneyn.

Taliyaha Booliska degmada waxa uu sheegay in ragii geystay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay hadda ciidamada ammaanku wadaan howlgallo lagu baacsanayo ragii geystay weerarka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna magaalada Wanllaweyn ay wajaheysaa jaha-wareer amni oo uga imaanaya maleeshiyo beeleedyo iska aar-goosanaya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here