Guddoomiyaha Gobolka Bari “Farmaajo iyo Kheyre waxba ma qaban”

0
4

Cabdisamad Yuusuf Maxamed Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya in ay doonayso in degaanada maamulka Puntland laga abuuro banaanbaxyo iyo rabshado Sharci daro ah.

Waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin in banaanbax lagu taageeraayo lagu qabto Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degaanada gobolka Bari, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono Cidii isku deyda.

“Dad ayaa baryahan intay dad dhahaan Farmaajo ayaan taageeraynaa ee soo baxa kuwaas waxaan leeyahay meel ku sheegga mashaariicdii uu idiin balanqaaday,ma jirto wax ay qabteen Farmaajo iyo Kheyre.” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta dadka, islamarkaana ay gacan bir ah ku qaban doonaan dhowr ruux oo taageero u ah Farmaajo iyo Kheyre.

Shacabka Puntland ayuu ka codsaday in ay Ogaadaan Hagardaamo uu sheegay in ay ku heyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here