GUDDOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO SI KULUL U CANAANTEY KUWA XADEY IMTAXAANKA

0
42

”Wasaaradda Waxbarashada waaxda imtaxaanada  waa inay hubiyaan hanaanka  imtixaanka ka loo qaadayo ka  hor inta aysan ardeydu fariisan imtaxaanka Maamulka Gobolka Banaadir waxuu diyaar u yahay inuu kaalin mug leh ka qaato, dhan waliba oo taageero farsamo ah ee looga baahdo, waxaanu leenahay  Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha Goobaha maamulka Gobolka Banaadir gancanta ku haayo  waa in imtixaanada gobolada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyada ka dhacday si ay shacabka noogu wada shakin” ayuu yiri eng. Yiriisow guddoomiyaha gobolka banaadir oo shir jaraaiid ku qabtey magaalada mogadisho.

Guddoomiyaha gobolka Banadir ayaa sheegey in ku tilmaamey kuwa imtaxaanka xadey kuwa burburiyey mustaqbalka dhalinyarada soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqey in cadaalada la horkeeno kuwa falkaasi kadanbeeyey.

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli sii xoogeysnaya dibad baxayaashada kasoo horjeeda go’aankii wasaarada waxbarashada soomaaliya ku joojisey imtaxaanka waxaana lasoo shegaya in in ciidamada amaanka ay rasaas nool nool ku furayaan dibad baxayaasha ayadoo ilaa hada laxaqiiyey in ay ku dhinteen 4 ruux oo ardey hala aan dhaawacna weli war laga heynin.

Ugu denbeytii eng. Yiriisow ayaa baaq ujeediyey waalidiinta iyo ardeyda soomaaliyeed una sheegay in am muujiyaan dulqaad maamada buu yiri imtaxaankii laxadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here