KISMAAYO(TEBIYENEWS)-Guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay gabdhaha musharaxiinta ah ee raba in ay kamid noqdaan Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Intii kulanku uu socday gabdhaha Xildhibaan-nimada u sharraxan ayaa guddiga doorashada kala hadlay in xoogga la saaro sidii meel loo saari lahaa qoondada haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka.
Gabdhaha ayaa guddiga doorashada ka codsaday in ay Odeyaasha dhaqanka ku adkeeyaan ilaalinta qoondada haweenka iyo gabdhahu helaan kootada ay ku leeyihiin Baarlamaanka Jubbaland.