KISMAAYO(TEBIYENEWS)-Gudiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha & Doorashooyinka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee ururada bulshada waxaana kulanka lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Gudiga mudadii uu jirey.
Kulankan oo ay goob joog ahaayeen xubnaha gudigu uu ka koobanyahay ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka,ururada dhalinyarada iyo Haweenka,Siyaasiyiin & Marti sharaf kale,waxaana inta badan la is weedaarsadey su,aalo iyo xog la xiriirta qaabka loo wajahayo doorashada Jubbaland.