Guddiyada ku shaqada leh dib-u-eegista Dasttuurka ee kala ah Guddiga La-socodka Dastuurka BFS iyo Guddiga Madaxabanaan oo maalmahaan u fadhiyay kulamo wada jir ah ayaa maanta soo gaba gabeeyay dib-u-eegistii cutubyadii ugu danbeeyay ee 10aad (Guddiyada Madaxa Bannaan), 11aad (Shaqaalaha Rayidka Ee Dawladda), 13aad (Maaliyadda Guud), 14aad (Suggidda Amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya) iyo 15aad (Qodobbada Kama Dambysta Ah Iyo Kuwa-Ku-Meel-Gaarka Ah).
Cutubyadaan ayaa waxaa soo gudbiyay Guddiga Madaxabanaa kadib markii ay kasoo shaqeeyeen waxaana maanta ansixiyay Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka FS kadib markii ay labada guddi isla meel dhigeen hal aragti oo mideysanne ka qaateen.
Dhammaan cutubyada Dastuurka ku meel-gaarka ah oo ka kooban 15 cutub ayaa saas ku soo dhammaaday, iyadoo ay dhimantahay oo kaliya la-tashiga Dadweynaha iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ka hor inta aanan loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.